Qaybta 5aad: Raaxada Jirka:

Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u weyn bay ku yeelataa ku raaxaysiga noloshaada. Nabiga scw wuxuu inoo tilmaamay in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Qaybtani waxay si dhab ah kaaga caawin doontaa:

Sida aad u daryeeli lahayd caafimaadkaaga.

Sida aad ku heli lahayd dhammaan maaddooyinka jirka u baahanyahay.

Sida aad u ilaalin lahayd nadaafadda jirkaaga.

In aad maalin walba samaysid jimicsi fudud.

In aad heshid hurdo kuugu filan iyo daawada hurdo la’aanta.

In aad aaddid safar, si jirkaaga firfircooni u helo iyo faa’idooyinka uu leeyahay safarku.